Nin u dhashay dalka Australia ayaa si nasiib ah ku helay dhagax dahab ah oo miisaankiisu gaaraya 4.6 kiilo

Dhacdooyinka caalamka

 Nin u dhashay dalka Australia ayaa si nasiib ah ku helay dhagax dahab ah oo miisaankiisu gaaraya 4.6 kiilo kasoo oo qiimahiisu lagu qiyaasay 240,000 oo doolar markii uu helay dahabkan faraha badan wuxuu sitay bir uu ku baarayay xilli uu ku sugnaa deegaan ku yaalla gobolka victoria

Ninkan oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa dhagxaanta ka helay goobaha dahabka laga qodo ee ku yaalla Victoria waana goobtii xudunta u ahayd sahaminta dahabka qarnigii 19-aad ee waddankaas darren kemp oo qiimeeyay dahabka ka dibna iibsaday dhagaxa dahabka ah ayaa sheegay in aanu waligii arkin qaabka cajiibka ah ee lagu soo helay dahabka noocan ah muddo 43 sano ah

Waan la yaabay markaan arkay dahabka arintan oo kale waxay noloshaada soo mari kartaa hal hal mar uun sida uu sheegay Darren Kemp dadku waxay inta badan ula yimaadaan wax dahab u eg laakiin markii uu ninkan ugu yimid dukaankiisa xilli uu sitay boorso weyn wax fikrad ah kama uusan heysan in dahab intaa la'eg uu ka helo doono boorsaddiisa

Kuma fikireyn in aan dahab ka heli doono ninkan xilli uu sitay boorso weyn, wuxuu iigu yimid dukaan aan ku leeyahay deegaanka geelong ee melbourne sida caadiga dadka waxay ii keenaan dhagxaan dahab u eg inta uu dhagax ka soo saaray boorsaddii ayuu ii dhiibay oo igu yiri ma waxaad u malaynaysaa inuu ku jiro dahab qiimihiisu yahay toban kun oo doolar? Inta aan eegay ayaan ku iri boqol kun oo dollar ka hadal" ayuu yiri mr kamp

Sida laga soo xigtay darren ninkaas wuxuu markaa u sheegay inuu haysto dhagax kale oo noocaas ah dhagxaanta uu ninkaasi haystay ayaa culeyskoodu ahaa 4 kg 600 garaam, waxaana laga soo saaray 2 kg 600 garaam oo dahab ah darren kemp waxa uu sheegay in markii uu ka soo iibsaday dhagaxa ninka uu ku yiri cajiib xaaska wey ku farxi doontaa

Inkasta uu qaabkan ninkan uu ku helay dahabka uu naadir ku yahay waddanka australai haddana waxaa lagu qiyaasaa in australia ay leedahay kaydka dahabka ugu badan ee adduunka horayna waxaa halkaas looga helay dhagxaan dahab ah oo waaweyn sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii macdan qodeyaal ku sugnaa galbeedka waddanka australia ay sheegeen in ay heleen labo dhagax oo aad u waaweynaa oo uu dusha uga daboolnaa dahab

Kuwaasoo midkiiba qiimihiisu uu noqonayay malaayiin doollar dhagaxyadan midkooda weyn oo culeyskiisu uu la egyahay 95 kiilo ayaa waxaa ku rarnaa dahab qiyaastiisu dhantahay 68 kiilo sida ay sheegtay shirkad macdanta qodda oo laga leeyahay canada oo lagu magacaago RNC minerals

Post a Comment

0 Comments