Howlgal bartilmaameed ah oo ka dhacay magaalada muqdisho ayaa lagu soo qabtay qaar ka tirsan kooxda alshabaab

Kooxda Alshabab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka ee dowladda soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada dayniile ee gobolka Banaadir howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday guryo ku yaalla gudaha degmadaasi sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay

Wararka ayaa sheegaya ciidamada ay guryaha ay u daateen ay kala soo baxeen illaa dhowr qof kuwaas oo ay horey usoo kaxeyseen si ugu sameeyaan baaritaano dheeraad sida aan ogaaday ragga lasoo qabtay ayaa lagu eedeeyay inay ku howlanayeen falal amni darro balse illaa iyo hadda saraakiisha ma faahfaahin howlgalka

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka ay ka dhacaan falalka ammaan darri, waxaana muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday laamaha ammaanka ee dowladda habeen hore ayaa howlgal kan lamid ah waxay ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa booliska ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada wadajir ee gobolka banaadir

Post a Comment

0 Comments