Ciidamo ka baxay magaalada muqdisho oo deegaano dhowr ah ka qabsaday kooxda alshabaab

Kooxda alshabab


 Ciidamo deegaanka ah oo dhawaan ka baxay magaalada Muqdisho ayaa maanta la wareegay degaano hoostaga degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub farabadan ayaa degaanka ay kala wareegeen 

Waxaa kamid ah qurcaleey, jabileey iyo degaan kale oo hoostaga degmada jalaalqsi ee gobolka hiiraan sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan qabsashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee muddo toddobaadyo ah kooxda Al-Shabaab looga saaro degaan ka mid ah gobolka hiiraan ayada oo dhowaanahan uu hakad ku yimid dagaalka lagula jiro kooxda

Dowladda Soomaaliya ayaa sababta dagaalka uu hakad-ka ugu yimid ku sheegtay inuu socdo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, oo ay sheegtay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka jabuuti, ethiopia iyo kenya guddoomiyaha gobolka hiiraan cali jeyte cismaan oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada beledweyne

Si uu u hoggaamiyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah alshabaab ee galbeedka hiiraan dowladda soomaaliya ayaa maanta shaacisay in in ka badan 3,000 oo al-shabaab ah la dilay islamarkaana 3,700 oo kale la dhaawacay tan iyo markii uu billowday dagalaka ka dhanka ah kooxda bartamihii sanadkii tegay

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga, ku dhawaad 70 tuulo iyo xaafado ayey ciidamada dowladda soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ka saareen kooxda alshabaab haddii sheegashada dowladda ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in la dilay ku dhowaad 30% ama 50% dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo sirdoonka reer galbeedka ay ku qiyaasaan 7,000 illaa 10,000

Haddii lagu daro dhaawaca, waxay sheegashada dowladda ka dhigan tahay in la dilay ama la dhaawacay 70% dagaalyahanada al-shabaab marka aan kasoo qabano tirada ugu badan ee lagu qiyaaso kooxda al-shabaab oo ah 10,000 oo maleeshiyo

Post a Comment

0 Comments