Shabaab badan oo lagu dilay howlgal ka dhacay 5 degaan

Kooxda alshabab

  Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska danab iyo ciidanka Nabad-sugida maamulka jubbaland ayaa howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan kooxda alshabaab ciidamada iskaashanaya ayaa howl-galkaan xooggan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka jubbada hoose 

Kuwaasi oo kala ah biibi, maalka dhaqajo, beerxaani, qudus, yaaq-dabayl howl-galkan ayaa lagu dilay shan xubnood oo kamid ah dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad ee kumaandooska danab

Taliye carab dheeg axmed ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay inay nolosha kusoo qabteen xubno alshabaab ah ayna sidoo kale howl-galadaasi ku furteen 5 qori oo ah nooca soomaalida u taqaan AK-47 howl-galada lagu ciribtirayo Khawaarijta alshabaab waa sii wadeyna illaa inta dhulkeena ka xoreynayno khawaarijta ayuu yiri 

Howl-galada ka dhanka ah kooxda alshabaab ayaa ka billowday deegaanada dowlad-goboleedka jubbaland ayada oo kooxda alshabaab ay weli xoogan yihiin deegaano kamid ah maamulkaasi dowladda ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalka ka dhanka ah al-shabaab waxayna shaacisay in tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee howl-galada socda in lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa alshabaab laguna dhaawacay 3,700 oo kale

Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya ayuu yiri wasiirka wasaaradda gaashaandhigga cabduqaadir maxamed nuur (jaamac)

Post a Comment

0 Comments