Al-shabaab oo sheegay in nin u dhashay dalka Burundi isku miidaamiyay saldhigga Janaay Cabdalle

Kooxda alshabaab


 Kooxda alshabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii xooganaa ee todobadii bishan march lagu qaaday xero ay ciidamada jubbaland iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka jubbada hoose alshabaab ayaa shaacisay magaca nin ajnabi ah oo fuliyay qaraxii koowaad ee ismiidaaminta ee lagu bilaabay weerarkaas oo dhacay subax aroor hore ah

Kaas oo sababay khasaare lixaadleh oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray magaca ninkan ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay dnayizeye isxaaq khaalid kaas oo loo yaqaanay showkaani sida uu ku sheegay muuqaal dardaaran ah oo laga duubay kahor weerarkaasi

Ninkan oo waday gaari xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa wareysiga laga sii duubay oo ay haatan sii baahisay kooxda ku sheegay inuu u dhashay dalka Burundi oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhalasho ahaan uu kasoo jeedo qowmiyadda huutiga ee degtay dalka burundi isaga oo sheegay inuu muddo dheer joogay soomaaliya eerkii janaay cabdalle oo kamid noqday weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa sidoo kale waxay kooxda al-shabaab ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal oo tiro badan

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii january ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin ajnabi ah oo u dhashay kenya waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii may ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka ceel baraf ee gobolka sh/dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo kenyaan ah kana tirsanaa kooxda

Si kastaba kooxda alshabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan soomaaliya kuwaas oo ka qeyb qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka

Post a Comment

0 Comments