Saxiibadii isku kooxda u ciyaaray ee midna xabsiga galay kan kalena waardiyaha ka noqday xabsiga

Dhacdooyinka caalamka

 Sanadkii 1933-kii boosteejada tareenka ee Hamburg waxay ahayd goobtii ay isku macsalaameeyeen labo saaxiibo ah oo isku koox u dheela noloshana guulo badan wadajir u gaaray asbjörn halvorsen wuxuu ku noqonayay gurigiisa oo ku yaalay norway wuxuu ka ciyaari jiray qadka dhexe isaga oo kamid ahaa weeraryahanadii ugu muhiimsanaa ee kooxda hamburg

Sidoo kale wuxuu kamid ahaa xidigihii ugu horeeyay ee ajaanib ah ee ka ciyaara jarmalka ciyaaryahanka kale ayaa ahaa Otti Fritz Harder gool dhaliya aad u xirfad sarreeyay waxaa mahad ku lahaa goolashiisa hal abuurka halvorsene kaas oo dhaliyay goolal badan oo u horseeday hamburg in ay ku guulaysato horyaalka jarmalka sanadihii 1923-dii iyo 1928-dii

Harder wuxuu u dhaqsaday dhanka boosteejada si uu uga mahadceliyo halvorsen maalmihii wanaagsanaa ee ay isgarab taagnaayeen nasiib wanaagsan ayuuna u rajeeyay laakiin waqtigaas midkoodna ma ogayn waddada goonida ah ee uu nolosha uga hagaagi doono halvorson xilligaas wuxuu ahaa 34 jir ka ruqsaystay in uu u shaqeeyo midowga kubadda cagta ee norway

Isaga oo tababare sare u ah kooxda qaranka ee norway ayay qaadeen billadda macdanka ka sameysan ciyaarahii olombikada ee ka dhacay berlin sanadkii 1936-dii waa kaalin ilaa iyo hadda ah guusha kaliya ee ciyaareed ee calami ah ee wadanka oo dhami haysto laakiin waxa ugu badan ee magaciisa lagu xasuusta ayaa ah wixii dhacay xilligaas kadib

Markii uu dagaalkii labaad ee dunidu baabi’iyay yurub halvorsen wuxuu gudaha norway kula dagaalamay naasigii jarmalka isaga oo xubin ka ahaa koox wax iska caabineysay ka hor inta aan la qaban oo aan la gayn xerooyinkii dhaqancelinta harder dhankiisa wuxuu ku dadaalay inuu meel wanaagsan ka gaaro darajada milatariga 

Ugu dambeyna wuxuu taliye ka noqday mid kamid ah xerooyinkii dhaqancelinta taas oo markii dambe lagu xiray halvorsen si ay noqotaba uma eka in ay mardambe kulmeen markii halvorsen la keenayay xerada sanadkii 1945-tii saaxiibkiis hore harder wuu ka tagay xerada balse dhamaan xaaladihii darnaa ee uu ku wajahayay xerada waxay ahaayeen kuwa uu dajiyay harder

Halvorsen oo geeriyooday sanadkii 1955 kii waxaa sabab u noqday qurbaxiisa xanuunka typhus oo uu ka qaaday xerada jürgen kowalski oo ah macalin taariikhda ka dhigi jiray hamburg ayaa baaray noloshii halvorsen isaga oo kaashanayay ardeydiisa mashruuc laba sano qaatay ayuu ahaa 

Waxay booqdeen xasuus qorka xeradii dhaqancelinta guri uu ka daganaan jiray hamburg iyo kooxdii magaalada uu ka daganaa norway waxaan isku dayaynaa in waddo ku taalla hamburg aan ugu magacdarno ayuu yiri waa dadaal aan ilaa iyo haatan miro dhalin taariikhda xusidda mudan ee Halvorsen na waxay u qalantaa tahay in la sheego

Post a Comment

0 Comments