Ciidanka xoogga oo dilay sarkaal sare ASAD iyo xubno kale oo Shabaab ah

Kooxda Alshabaab


  Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta jubbaland ay howlgal qorsheysan ku dileen xubno ka tirsanaa kooxda al-shabaab ugu yaraan 7 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo miido oo hoos tagta degmada afmadow ee gobolka jubbada hoose

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaamineysay howlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in ragga la dilay uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray asad sidoo kalena howlgalka lagu dhaawacay 5 dagaalame oo kale ururka 5-aad ee ciidanka danab oo kaashanaya daraawiishta jubbaland ayaa fuliyey howlgalkaas waxayna tuulada miido ee Shabaab-kaan ay 25 km u jirtaa degmada Afmadow

Howlgalkaas lagu soo furtay 4-qori oo ah nooca ak47 ah iyo 1-qori oo BKM ah sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad danab taliye carab dheeg axmed kooxda al-shabaab ayaa aad ugu xooggan aagga degmada afmadow ee gobolka jubbada hoose halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka fuliyaan sidoo kale ciidan xoog leh oo ka socda jubbaland ayaa jooga afmadow

Post a Comment

0 Comments