Ciidamada booliska iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay magaalada muqdisho gaar ahaan degmada heliwaa

Kooxda alshabaab


 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada amaanka iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya gaar ahaan degmada heliwaa ee gobolka banaadir dagaalkan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidamada booliska ay ku leeyihiin xaafadda suuqa xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaano baar jowar

Waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah labada dhinac ayaa dagaalamayaa ku dhowaad 30 daqiiyo waxaana lasoo wariyay ina weerarka uu bilow bamb-gacmeed ay dableyda hubeysan ku tuureen ciidamada ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka maadaama muddo kooban uu ku yimid hakad

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen ciidamada la weeraray, kaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka ku qaaday oo goobta isaga baxsatay xaaladda ayaa haatan ah mid deggan waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada heliwaa oo ay inta badan ka dhacaan weeraro

Post a Comment

0 Comments