Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba jug oo xoog leh oo xalay laga maqlay magaalada Muqdisho

Kooxda alshabaab


 Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba jug oo xoog leh oo xalay laga maqlay magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa la weeraray ciidan fariisin ku leh isgoyska KPP ee degmada hodan warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubka loo adeegsaday weerarkaas 

Dadka qaar waxay sheegayaan in laba bamgacmeed lagu tuuray ciidanka halka dadka qaar ayaa noo sheegay in ciidanka lagu riday laba xabadood oo ka dhacday qoriga RPG ee Sebenka loo yaqaano balse si rasmi ah looma oga cidda fulisay weerarkaas iyo waxa loo adeegsaday

Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas inta uu la egyahay waxaana lagu kala cararay aagga isgoyska KPP hey’adaha ammaanka ee dowladda soomaaliya ayaan weli ka hadlin dhacdadaan sidoo kale kooxda al-shabaab oo la aaminsan yahay inay geysatay weerarkaan ayaan weli ka soo hadlin weerarkaan 

Maalmahaan amniga caasimadda muqdisho ayaa ahaa mid liita waxaana ka dhacayey dilal iyo qaraxyo soo boodo ah sidoo kale hoobiyeyaal ayaa dhowr mar lagu garaacay magaalada muqdisho amniga magaalada ayaa farha ka sii baxaya iyadoo ciidamada amniga ay dadaal walba ugu jiraan

Waxaa xusid mudan inay yaraadeen qaraxyadii gaadiidka lagu soo rari jiray oo la aaminsan yahay inay ka hor tageen ciidamada ammaanka oo howlgallo culus ka fuliya caasimada muqdisho dowladda somalia ayaa bilihii la soo dhaafay dagaal kula jirta kooxda alshabaab waxayna ka qabsatay magaalooyin badan 

Post a Comment

0 Comments