Howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda dalka ayaa marayaa meel wanaagsan

Kooxda AlShabaab


 Wasiirka Gaashaandhigga soomaaliya cabdulqaadir maxamed nuur jaamac oo ku sugan furimaha hore dagaalka ee maamulka jubbaland ayaa sheegay inay sii xoogeysteen howl-galada ka dhanka ah alshabaab ee ka socda deegaannada maamulkaasi wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka alshabaab ee ka bilawday gobolada dalka gaar ahaan dowlad-goboleedyada hirshabelle iyo galmudug laga gaaray guullo muhiim ah laguna qabtay magaalooyin kala duwan

Sida aad la socotaan dalka guud ahaan waxaa ka socda howl-gallo ballaaran markii aan halkaan ku kala tageynay deegaanno badan oo aan xor ahayn oo khawaariijtu dadka soomaaliyeed ku dhibaateyneysay ayaa xor ah waxaa la rabaa in la dardar-geliyo howl-gallada ayuu yiri sidoo kale 

Waxa uu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo daraawiishta Jubbaland ay ku ballameen fulinta howl-gallo xooggan, si la isugu xiro guud ahaan howl-gallada ka socda dowlad-goboleedyada hoostaga dowladda federaalka saaxiibadiina hirshabelle iyo galmudug waxa ay qabteen shaqo muhiim ah oo cadawga uga xorreeyeen meelo muhiim ah sidaas oo kale ayaa la rabaa in guud ahaan dalka looga cirib-tiro alshabaab

Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada dowladda federaalka iyo daraawiishta dowlad-goboleedka jubbaland kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran howl-gallada ka dhan ah alshabaab ee deegaanada maamulkaasi hadalkan ayaa imanaya xilli ay todobaadyadii u dambeeyay uu hakad kooban ku yimid dagaalka ka dhan ah alshabaab marka laga reebo duqeymo ay ciidamada mareykanka la beegsadaan kooxda

Madaxtooyada soomaaliya ayaa arrintaan ku macneysay isu-diyaarinta wejiga labaad ee howl-galka kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo cusub oo ay soomaaliya usoo diri doonaan dalalka jabuuti, itoobiya iyo kenya kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS

Post a Comment

0 Comments