Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah

 

Kooxda alshabaab

 Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay saameeyn ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah wasaaradda warfaafinta soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda alshabaab ee ka socda banaadir, hirshabelle, koonfuur galbeed, jubbaland iyo galmudug

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka godad ay ku dhuumanayeen khawaarijta degaano ka tirsan hirshabelle ayay ciidanka xds gacanta ku soo dhigeen

Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhamaanayaan tabaha dagaalka ee khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay ciidanka XDS uga daba tegayaan dhanka kale dowlada Somaliya oo ka hadashay amiga muqdisho ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay 3 xubnood oo ka tirsan alshabaab kuna howlanaa amni darro

Waxaa sidoo kale dowlada soomaaliya ay digniin u dirtay ciidamada dowladda ee dilalka ka geysta caasimada maadaama ay kordheen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka dowladda federaalka ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee ciidammada qalabka sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda 

Isla markaana dowlada ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda alshabaab waxaana iska kaashanayaa dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka

Post a Comment

0 Comments