Wax badan ka ogoow waxyaabaha ku qarsoon hurdada maroodiga

Dhacdooyinka caalamka

 Maroodiga qaaradda Afrika wuxuu seexdaa saacado aad u kooban marka loo eego xayawaanada kale ee duur joogta ah sida lagu xusay cilmi baaris cusub seynisyahanno ayaa baaritaanka ku sameeyay laba maroodi oo ku nool botswana si ay waxbadan uga ogaadaan sida dabiiciga ah ee maroodiga uu u hurdo.

Maroodiga wuxuu seexdaa afar illaa lix saacadood balse sida dabiiciga ah wuxuu hurdaa laba saacadoo habeenkastaa sida lagu ogaaday baaritaanka maroodiga mararka qaar wuxuu soo jeedaa dhowr maalmood xilliyada aysan seexan waxay socdaan masaafo aad u dheer 

Waxaana suuragal ah inay ka qaxayaan ugaaratada ama libaax Prof Paul oo ah maamulaha jaamacadda witwatersrand ee koonfur afrika wuxuu sheegay in hurdada noocaas ah ay maroodiga u tahay arrin u gaar ah maroodiga waa xayawaanka ugu hurdada yar taasna waxay u muuqataa inay sabab u tahay jirkooda oo aad u weyn

Waxaan ogaanay in maroodiga uu riyoodo seddax ama afar maalin kastaa ka dib taas waxay siineysaa maskax aad u xasuus wanaagsan oo lagu magacaabo aragtida su'aalaha oo la falgasha xusuusta seexashada iyo xoojinta xusuusashada sidoo kale maroodiga lagu hayo meelaha gaarka ah ayaa si weyn loo baaray

Si ay wax badan uga ogaadaan midka ku nool keymaha waaweyn cilmi baaraha iyo kooxdiisa waxay ku xireen maroodiga qalab ay kula socon karaan hurdadiisa qalabkaasi waxaa la geliyay foosha maroodiga gudaheeda sheyga lagu xiray waxaa uu duubay xilliga maroodiga uu hurdo

Sidoo kale waxaa la baaray qaabka ay u seexdaan ama sida dhinaca dhulka uu u dhigo labada maroodi ee baaritaanka ugu weyn lagu sameeyay waxaa la daba socday shan isbuuc waxaana laga helay fikrado cusub oo la xiriira hurdadooda tusaale ahaan xayawaanka ugu dhaqaaqa yar wuxuu hurdaa 14 saacadood halka aadanaha uu hurdo 8 saacadood

Sida maroodiga uu ku badbaado asigoo hurdo laba saacadood oo keli ah weli lama ogaan sida seynisyahannadu sheegeen cilmi baarayaasha waxay sheegayaan in hadda ay baari doonaan maroodi badan oo labka uu ka mid yahay

Post a Comment

0 Comments