Shabaabkii ugu badnaa ee lagu laayey howlgal ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Kooxda alshabab


 Ku dhawaad 30 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal shalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka mudug sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay maamulka galmudug ciidamada xoogga dalka kuwa daraawiishta galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howl-galkan ka fuliyay deegaanka faarax adan

Kaasi oo markii dambe kusii fiday deegaanka wadaariq oo ay argagaxisadu ku laheyd saldhig weyn sida lagu yiri qoraalka Galmudug dagaal culus oo saacado badan socday kadib ayaa la sheegay in ciidamada ay halkaasi ku jabiyeen maleeshiyaadka kooxda alshabaab iyaga oo ka saaray godadkii ay ku dhuumaleysanayeen

Khawaarijta joogta galmudug gaar ahaan gobolka mudug ayaa ku jira maalmahoodii ugu adkaa kuwaas oo wajahaya cuna-qabateyn iyo dagaallo toos ah waxaana hubkoodii ka furanaya shacabkii ay muddada fog dhibaatada ku hayeen ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka galmudug

Dowlad-goboleedka galmudug ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celisay saaxiibada caalamiga ah oo iyagu gacan weyn ka geystay jabinta kooxda alshabaab maleeshiyaadka argigixisada ayaa laga dilay 48 saac gudahood in ka badan 50 xubnood ayada dowladda ay arbacadii shaacisay in howl-gal ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsan kooxda alshabaab

Howl-galkaasi ayaa waxa fuliyay ciidan ka tirsan kuwa hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee nisa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ee soomaaliya ka taageera howl-galada maleeshiyaadkaasi ayaa waxa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howl-galkii 21-kii bishaan ka dhacay tuulada cadalay oo hoostagta degmada mahadaay ee gobalka shabeellaha dhexe

Post a Comment

0 Comments