Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la soo afjaray weerarkii shalay ka dhacay degmada Cabdicasiis

Kooxda alshabab


 Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal saacado qaatay kadib la soo afjaray weerar ay shalay al-shabaab ku qaadeen guri ay dagan yihiin saraakiil ciidan & mas’uuliyiin kale oo ku yaalla degmada cabdicasiis ee gobolka banaadir dowladda federaalka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in weerarka uu ku billowday is-miidaamin waxayna sheegtay in raggii kale ee gudaha galay la toogtay

Ciidamada ayaa gurigaas iyo guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa cadawga khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale ciidamada ayaa toogtay afar khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday

Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah weerarkaan ay khawaarijtu ku qaadday guryaha dadka shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee khawaarijtu ku suganyihiin iyo heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed

Talaabada khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga shacabka soomaaliyeed taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo cadawga khawaarijta ah dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada muwaadiniintii ay khawaarijtu beegsatay ee shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta dhaawacyadu soo gaareen

Post a Comment

0 Comments