Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaanada ceel bacad iyo ruunirgood oo ka tirsan gobolka shabeellaha dhexe ciidamada ayaa howlgaladooda ku bartilmaameedsaday fariisimo kooxda al-shabaab ay ku lahayeen inta u dhaxeysa labadaasi deegaan oo la tilmaamay iney ahayeen Saldhigyo waa weyn
Gaashaanle adan jeele cali oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgaladan qorsheysan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney ku dileen howlgalka 25 ka mid ah dagaalamayaasha ururka Al-shabaab islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen
Gaashaanlaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkooda ay ku burburiyeen Saldhigyo waa weyn oo ay kooxdu ka sameeysatay halkaas oo ay ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah deegaanada ruunirgood iyo ceel bacad ee gobolka shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii ay horay uga talin jireen mudada dheer kooxda al-shabaab

Iyadoona dhawaan ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanadaas ciidamada dowladda soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka oo raba in ay iska dulqaadaan dhibaatada ay ku haayeen kooxdaan mudadad ay xukumayeen ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ayaa la wareegay deegaano fara badan oo alshabaab
Dowlada somaliya ayaa ugu baaqeysaa dadka deegaanka iney la shaqeeyaan ciidamada dowlada si loogu adkaado dhagar qabayaasha alshabaab oo baabi'iyeen dalkii iyo dadkii ayna u naxeynin shacabka masakiinta ah waa in si wada jie ah loogu soo wada jeesadaa kooxdaan gabalkooda dhacay
0 Comments