73 muhaajiriin ah oo loo malaynayo in ay ku dhinteen doon ku degtay xeebaha Liibiya

Doon ku degtay liibiya

 Tobaneeyo tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen doon ku degtay xeebaha liibiya iyadoo ilaa hadda la helay maydka 11 qof oo keliya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ugu yaraan 73 tahriibayaal ah ayaa lagu soo waramayaa in la la'yahay waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degey xeebaha liibiya 

Doonidan oo ay saarnaayeen 80 qof ayaa ka soo ambabaxday deegaanka Qasr Al-Akhyar oo qiyaastii 75 km dhanka bari kaga beegan caasimadda tripoli iyagoo ku sii jeedday yurub ilaa hadda 11 qof oo meyd ah ayaa waxaa soo saaray bisha cas ee liibiya iyo booliiska deegaanka sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee IOM

Hay'adda socdaalka ee maramada midoobay ayaa sheegtay in toddobo qof oo ka badbaaday shilka doonida ay ku jiraan xaalad aad u daran lama sheegin dhalashada dadka la socday doonida degtay

Hase ahaatee, hay'adda IOM ayaa lagu wadaa inay soo saarto warbixin arrintaan ku saabsan bartamaha mediterranean-ka ayaa weli ah marinka badda ee tahriibka ugu dhimashada badan adduunka

Post a Comment

0 Comments