Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inay 12 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen duqayn ka dhacday Soomaaliya

Africom iyo alshabaab


 Taliska ciidamada mareykanka ee afrika ayaa sheegay inay12 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen duqayn ka dhacday soomaaliya iyagoo taageeraya dowladda federaalka ma jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay

AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, iyadoo duqayntu ka dhacday meel qiyaastii 472 KM waqooyi bari ka xigta caasimadda soomaaliya ee muqdisho xiddidada xagjirnimada waxay u baahan tahay faragelin ka baxsan hab-dhaqameedka militari ayuu yiri taliska africom

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu sanadkii hore ansixiyay codsigii pentagon-ka ee ahaa in ciidamada mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda al-shabaab

Ansixinta in wax ka yar 500 oo askari loo dirayo soomaaliya ayaa waxa ay meesha ka saartay go’aankii madaxweynihii hore ee mareykanka donald trump uu soomaaliya uga saaray dhammaan ciidamada mareykanka sanadkii 2020 bishii lasoo dhaafay mareykanka ayaa soomaaliya ka fuliyay weerar lagu dilay ku dhawaad 30 dagaalyahan oo al-shabaab ah

AFRICOM ayaa sheegay weerar uu mareykanku qaaday bishii oktoobar in lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan kooxda alshabaab halka weerar kale oo dhacay bishii movember uu ku dilay 17 dagaalyahan dabayaaqadii bishii diseembar ayay ahayd markii mareykanka uu duqeyn ku dilay lix ka tirsan alshabaab meel u dhow magaalada cadale

Post a Comment

0 Comments