Alshabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degmada afmadow ee gobolka jubada hoose

Kooxda Alshabaab


 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah oo kooxda al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka jubbada hoose kooxda al-shabaab ayaa weerarka ismiidaaminta ah u adeegsatay laba baabuur oo laga soo buuxiyay waxyabaaha

Waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan al-sbabaab iyo ciidamadii ku sugnaa Saldhiga qaraxyada iyo dagaalka isxigay ee saakay ka dhacay gudaha degmada afmadow ayaa lasoo warinaya iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aysan jirin cid xaqiijisay khasaaraha rasmiga ah.

Ururka Al-Shabaab sheegatay masuuliyada weerarkan waxayna tilmaameen in xiliga uu weerarka ka dhacay saldhiga ay shir ku lahayeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa jubbaland islamarkaana ay gaarsiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

Weerarkaan aroorninadii hore ee saakay ka dhacay degmada afmadow ayaa imaanaya iyadoo halkaasi ay ku sugnaayeen maalmahii lasoo dhaafay ciidamo tiro badan oo uu hoggaaminaayay wasiirka amniga jubbaland yuusuf xuseen cismaan dhuumaal kuwaas oo u diyaar garoobayay howlgalada ka dhanka alshabaabka ku sugan deegaanada jubbaland

Post a Comment

0 Comments