Kooxo hubeysan oo ku dilay magaalada muqdisho xildhibaan ka tirsana baarlamaanka jubaland

Kooxo Hubeysan


 Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay xildhibaan isaaq maxamed xasan oo loo yaqiinay sandheere xili uu kasoo baxay masaajid ku yaala Muqdisho uu ku tukaday salaadii maqrib xildhibaan sandheere ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka maamul goboleedka jubbaland wuxuuna horay usoo noqday wasiir ku xigeenka amniga iyo wasiiru dowlaha amniga maamulka jubbaland

Argigixisadda AlShabaab oo dagaal adag kala kulmaysa ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa caasimada ka fulisay dilal qorsheysan madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaanka ka tirsanaa baarlamaanka jubbaland oo uu sheegay iney dileen koox ka tirsan al-shabaab

Madaxweynaha dowlada jubaland Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray ehelkii qaraabadii xildhibaanada baarlamaanka jubaland iyo guud ahaan shacabka jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee xildhibaan isaaq maxamed xasan oo ku geeriyooday magaalada muqdisho

Kooxo katirsan khawaariijta ayaa xildhibaanka dilay isagoo kasoo baxay masaajid uu ku tukaday saladii maqrib ayaa yiri madaxweynaynaha jubbaland mabagabadii madaxweynaha jubblanad ayaa alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka jubbaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo


Post a Comment

0 Comments