Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan


  Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada howlwadaag ee magaalada Muqdisho ilo dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyey in kooxdaas ay weerarka ku bilowday jug culus oo loo maleynayo inuu ahaa qoriga nooca loo yaqaano Sebenka 

Jugta culus ee la maqlay kadib waxaa bilowday rasaas culus oo dhexmartay askartii saldhigga joogtay iyo kooxdii weerarka soo qaaday rasaas ayaa mudo socotay ilaa hadana lama garanayo cidda weerartay saldhigga booliska ee degmada Howlwadaag 

Kooxda AlShabaab ayaa loo maleynayaa inay fulisay weerarkaan waxaana dagan xaaladda aagga uu ku yaallo saldhigga owlwadaag booliska Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama soo saarin weerarkaan

Hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo cidda geysatay toona kooxda al-shabaab oo cunaqabateyn adag iyo dagaal toos ah kala kulmeysa dowladda soomaaliya ayaa hadana weerarro ka geysata gudaha caasimadda muqdisho waxayna dowladu la tacaaleysaa xal u helidda amni darradaan

Post a Comment

0 Comments