Roob Doonta Ugu Layaabka Badan Dalka Maxico

Roob Doonta

  Waxa aynu wax yar ka soo qaadan doonaa mid ka mid ah xus diimeedyada ugu layaabka badan ama hadii si kale aynu u dhigno Alle Bari iyo roob doonta ugu layaabka badan aduunka oo dalkaas laga sameeyo sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen sanad kasta marka la gaadho bisha may oo ah wakhtiga sida rasmiga ah roobku uga curto dalkaas

Waxa inta badan dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan dhulka beeraleyda ah ee dalkaasi ay sameeyaan isu soo baxyo roob doon ah maaha mid alle lagu baryo laakiin waa caado dhaqameed haweenku ku dagaalamaan oo ay si ba’an isaga dhiijiyaan waxanay dadka beeralayda ee Mexico aaminsan yihiin in sida ay isaga dhiijiyaan haweenkoodu uu roobku ugu da’ayo

Meelaha sida wayn looga sameeyo dagaalka Dumarku iskaga dhiijiyaan ayaa waxa ka mid ah degmada nahow taas oo ka mid ah meelaha ugu caansan wax soo saarka dalaga beeraha ee dalka mexico fagaare wayn oo loogu talo galay xus diimeedkan dagaalka ah ee u dhexeeya haweenka ayaa la isugu soo baxaa waxaana marka dadka badankoodu ku soo dhamaadaan goobtaas la soo xulaa haweenka ugu xooga waaweyn kuwaas oo dagaal aan waxba la isula hadhin isku waajaha

Xus diimeedkan roob doonta ah oo lagu tilmaamo kuwa dunida ugu layaabka badan qarniyaal badana ay samayn jireen dadka reer mexico ayaa ku bilaabma socod qabiil walba ku soo maro jidadka magaalada lagu qabto waxaanay socod ku soo dhex hadaafaan iyagoo cuntooyin faro badan dumarkoodu madaxa iyo dhabarka ku sidaan halka raguna ay qoob ka ciyaar ku sameeyaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka u ah

Marka lagu soo wada shubmo fagaaraha ayaa la goglaa cuntada oo u badan wax soo saarka dalaga beeraha ee dagaankaas ka baxa sida bariiska, galayda, muuska, khudaar kala duwan iyo kaluun tiro badan, kuwaas oo sidii wax la nacay oo kale loogu qubo fagaaraha marka la wadho cuntada ayaa la isku soo saara haweenka kuwooda ugu xooga waaweyn kuwaas oo tantoomada iyo xag xagashada iskala daala lamana kala qabto ilaa mid walba dhiigu qul qulo

Dagaalkan dumarka la isku xulayaa maaha mid lagu kala guulaysto hasa yeeshee waa xus diimeed ay dadka degaankaasi aaminsan yihiin in marba sida haweenkoodu isaga dhiijiyaan roobku ugu da’ayo sanadkaas sida dhaqanka ah tartan kasta oo lagu ciyaarayo ama lagu dagaalamayaa waxa uu leeyahay taageerayaal iyo qaab dadka ka qayb galaya loogu dhiiri galiyo hasa yeeshee dagaalkan roob doonta ah ee haweenka reer mexico waxa kaliya oo lagu dhiiri geliyaa inay dhiig badan iskaga daadiyaan

In kasta oo sida ay aaminsan yihiin in dagaalkan ragu soo dhex galo ay mamnuuc ka tahay haddana waxa mararka qaarkood dhacda in xaaladu faraha ka baxdo oo inta rag iyo dumarba la wada muraaqoodu gowda la iska saaro waxa kale oo ragu mar mar soo dhex galaan marka dumarku si ba’an isku garaaci waayaan ee ay iska dhiijin kari waayaan

Post a Comment

0 Comments