Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay saldhig weyn oo Shabaab ku lahaayeen Jubbada hoose

Kooxda alshabaab


 Wararka ka imaanaya Jubbaland ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa jubbaland ay saakay la wareegeen saldhig weyn oo alshabaab ku lahayd degaanka qunbi ee gobolka jubbada hoose war kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanku ay dagaal kula wareegeen saldhiggaan oo la sheegay inuu ahaa mid muhiim ah oo ay gabbaad ka dhigan jireen alshabaabka ku sugan deegaano ka tirsan jubbada hoose

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada jubbaland kana soo baxay degaanka Qunbi ay wadada u galeen alshabaab waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac hayeeshee ciidamada jubbaland ay dib ugu laabteen degaanka jasiirada kudhaa ee gobolka jubbada hoose

Jubbaland waxay sheegtay inay jab xooggan u geysteen shabaabkii ay la dagaalameen ayna ku furteen hub iyo saad ciidan sidoo kale waxay sheegeen inuusan jirin wax khasaare oo howlgalka kasoo gaaray ciidanka jubbaland iyo kuwa xoogga dalka waxayna ku dileen in ka badan 20 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda alshabaab ilaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca alshabaab ee uu saldhigoodu ahaa deegaanka qunbi

Wasiirka amniga jubbaland yuusuf xuseen cismaan dhuumaal oo ah madaxa howlgalada jubbaland ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen la wareegida deegaanada ay maamulaan kooxda al-shabaab

Post a Comment

0 Comments