Dagaalo iyo duqeymo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Kooxda Alshabaab

 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo culus oo is barbar socday oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Afcad iyo Iji oo ka tirsan gobolka hiiraan dagaaladaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey iyo kooxda alshabaab

Waxaana lasoo wariyay in dagaaladan oo shalay galinkii hore ka bilaawday deegaanadaasi ay soo gaareen ilaa xalay fiidkii dabadeedna ay ku biireen diyaaradaha dagaalka oo duqeymo culus la beegsaday aagaga ay ka dagaalamayeen kooxda Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka iji ee dowlad goboleedka hirshabeelle lagu dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta soomaaliya cabdiraxmaan yuusuf al-cadaala oo shir jaraa'id qabtay ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladaas khawaarijta looga furtay in badan 300 oo hub ah oo isugu jira noocyo kala duwan.

Lama oga ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada ka dhacay afcad iyo iji oo lasoo warinayo iney ahayeen kuwa aad u xoogan islamarkaana geystay khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa macawiisleyda oo la hadlay warbaahinta gudaha waxay sheegeen in dagaalada ka dhacay iji iyo afcad iney jab xoogan ku gaariisiiyeen kooxda alshabaab wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deegaanka afcad 

Waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleeyda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka afcad oo u dhaxeeya degmooyinka jalalaqsi iyo buulaburte ee gobolka hiiraan

Post a Comment

0 Comments