Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo ka socda deegaan u dhow degmada Jalalaqsi

kooxda alshabaab


 Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoraynta oo dhinac ah iyo alshabaab ayaa haatan ka socda deegaano katirsan degmada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ogaadeen xog 

Ku saabsan in deegaan lagu magacaabo inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan ay dagaalamyaal shabaab ah isku arursanayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen kooxda alshabaab oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga shabeelle

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka helayno waxay sheegayaan inay ciidamada dowladdu khasaare culus gaarsiiyeen Alshabaab sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda oo soo xiganaysay saraakiil ciidanka

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo haatan uu dagaal kale ka socda deegaano katirsan gobolka mudug halkaas oo ciidamada dowladda iyo dib u xuraynta ay weerar ku qaadeen koox katirsan alshabaab oo isku arursanayay goob qarsoodi ah

Ciidamada xoogga iyo kuwa daraawiishta galmudug ayaa weerar jahooyin badan ah ku qaaday shabaaab ku sugnaa meel dhinaca koonfureed ka xigta tuulada qeycad ee gobolka mudug

Post a Comment

0 Comments