Alshabaabkii ugu badnaa oo lagu laayey deegaanka afcad ee gobolka hiiraan

Kooxda AlShabaab


 In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay deegaanka afcad oo hoos taga degmada buulaburde ee gobalka hiiraan ka dib howlgal qorshaysan oo ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka kuwa xoogga geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaankaan.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa markii ay gudaha u galeen afcad waxaa lagu arkay maydadka khawaarijta ee howlgalkaan lagu laayay iyo godadkii ay ku jireen waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay hub badan iyo saanad rasaas ah oo halkaas ay ku haysteen khawaarijta isla markaan ay ugu talagaleen inay dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed

Howlgalkaan oo socday in ka badan 12 saac ayaaku soo dhamaaday guul waxaana jabka ku gaaray khawaarijta howlgaladii hirshabelle galmudug iyo jubaland oo uu ka dhigaayo 72 saac ee u dambeeyey in lagu laayey in ka badan 300 oo khawaarij oo ay ku jiraan horjoogayaal

Waxaa lasoo bandhigay magacyada qaar kamid ah horgoojayaasha AlShabaab ee weerarka lagu dilay waxay kala yihiin yuusuf cali sheekh horjoogihii deegaanka fiidow waxa lagu dilay deegaanka iji salaad maxamuud siyaad oo magaciisa afgarashada uu ahaa amiin owbaanle horjoogihii waxa ay ugu yeeraan sakawaadka ee gobolka shabbelaha dhexe waxaa lagu dilay iji

Cabdixakiim nuur guuleed dabaashe horjooge kooxdu ugu yeeraan jabhada waxa lagu dilay iji maxamed indho fiiq horjoogihii watay khawaarijtii lagu laayey afcad waxa lagu dilay afcad waxaa kaloo howlgaldda lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwo dhaawacyo ah iyo kuwo badqaba oo uu ku jiro horjoogihii caafimaadka iyo qaraxyada ee gobolka mudug salmaan daahir oo lagu qabtay gobolka mudug

Sidoo kale waxaa ciidanka isku soo dhiibay maleeshiyaad ka soo baxay khawaarijta goobo kala duwan dhanka kale waxaa la asturay meydadka khawaarijta la laayey waxaana laga soo kala aruuriyey meelo kala duwan oo ay ka dhaceen howlgalada ciidanka qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhulkii ay ku dhuumanayeen khawaarijta

owladda soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dhameystirka howlgalka xididdada loogu siibayo kooxda alshabaab khamiistii ayay ahayd markii dowladda soomaaliya ay sheegtay inay dishay 200 katirsan dagaalamayaasha alshabaab kadib howlgallo ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka hiiraan

Post a Comment

0 Comments