Robot ayaa sanado kaddib qaban doona howsha guriga

Dhacdooyinka caalamka

 Muddo toban sano gudahood ah ilaa 39% waqtiga lagu bixiyo howsha guriga iyo daryeelka dadka ayaa waxaa qaban doona mashiinnada robot-ka sida ay sheegayaan khubarradu baarayaasha ka soo jeeda dalalka UK iyo Japan ayaa 65 khubarrada robot-ka weydiiyay inay saadaaliyaan heerka suurtogalnimada in howlaha guriga ay qaban doonaan mashiinnadaas toban sano hadda kaddib

Khubarrada ayaa saadaaliyay in dukaameysiga khudrada ay noqon doonto waxa ugu badan ee ay mashiinnadan qaban doonaan, halka daryeelka carruurta amaba dadka waaweyn ay noqon doonto waxa ugu yar daraasadan ayaa waxaa lagu daabacay joornaalka Plose One baarayaasha jaamacada oxford iyo ochanomizu university oo japan ku taalla ayaa doonayay inay ogaadaan saameynta ay robot-yadu ku yeelan karaan shaqada guryaha ee aan lacag lagu bixin

Haddii robot-yadu ay la wareegaan shaqooyinkeenna, sidoo kale ugu yaraan ma qaadi doonaan khashinka?” ayay su’aaleen robot-yada shaqooyinka guryaha loogu talo-galay sida kuwa nadiifiya roogagga waxay noqdeen kuwa ugu soo saarista badan uguna iibka badan dunida ayay yiraahdeen baarayaashu kooxdan ayaa 29 khubarro ku sugan uk iyo 36 ku sugan japan weydiiyay saadaashooda ku aaddan robot-yada guryaha

Baarayaasha ayaa ogaaday in ragga ku nool britain ee khubarrada ah ay rajo fiican ka qabaan arrintan marka loo barbardhigo khubarrada haweenka ah arrintaas oo ka duwan tan lagu arkay japan balse howlaha ay khubarradu u maleynayaan in mashiinnadan ay qaban karaan ayaa kala duwan keliya 28% shaqada daryeelka oo ay ka mid yihiin wax barida ilmahaaga wehlinta carruurta amaba daryeelka qof da’ ah oo qoyskaaga ka tirsan ayay qaban karaan mashiinada

Dhanka kale teknolojiyadda ayaa ayaa yareyn doonta 60% waqtiga aan ku bixinno dukaameysiga, sida ay qabaan khubarradu balse saadaasha ah in toban sano gudahood ay robot-yadu naga caawin karaan shaqooyinka guriga ayaa leh taariikh dheer iyadoo laga yaabo in xoogaa cago-jiid ah ay jirtay sanadkii 1966 barnaamijka telefishin ee tomorrow's world ayaa waxaa lagu soo qaatay robot casho karin kara soo lugeysiin kara eyga, daryeeli kara ilmaha iyo shaqooyin kale oo badan

Haddii dadkii sameeyay ay heleen keliya £1 milyan qalabkan ayaa shaqo-geli lahaa sanadkii 1976 sida la sheegay ekaterina hertog oo cilmiga robot-yada iyo bulshada ka dhigta jaamacadda oxford kana mid ah qorayaasha daraasaddan ayaa la barbar-dhigeysa rajada muddo dheer laga qabay gawaarida iyagu is kaxeeya ballan-qaadka gawaarida is kaxeeya ee wadooyinka maraya kuwaasoo bedeli doona takaasida ayaa la hadal hayay 

Sidaan filayo muddo tobnaan sano ah hadda welina ma aynaan awoodin in robot-yadu ay si hagaagsan u shaqeeyaan amaba gawaaridaas ay suurto-galaan guryuhu arrintan isku mid bey ka yihiin dr kate devlin oo iyadana ka tirsan king's college london oo aan daraasadan shaqo ku lahayn ayaa sheegeysa in teknolohiyaddu ay u badan tahay inay caawiso bani’aadamka intii ay beddeli lahayd

Way adag tahay waa qaali in la sameeyo robot isku qaban kara shaqo badan amaba shaqooyinka guud dhanka kale way fududdahay waana miro-dhal in abuuro teknolojiyad ina caawin karta intii ay ina beddeli lahayd baaritaanka ayaa soo jeedineysa in shaqooyinka oo ay qabtaan mashiinno ay yareyn karaan waqti badan oo lagu bixiyo shaqooyinka guryaha ee aan lacagta lagu bixin

Gudaha uk ragga da’da shaqada ku jira ayaa qabta kala bar shaqada aan lacagta lagu bixin marka loo barbardhigo haweenka halka japan ay qabtaan shaqo yar si kastaba teknolojiyaddan waa qaali haddii hannaanka caawinta shaqooyinka guryaha ay keliya heli karaan qeyb bulshada ka mid ah waxay tani horseedi doontaa kororka caddaalad darrada waqtiga ayay tiri hertog

Waxay intaa raacisay in shirkaddu ay u baahan tahay inay ogaato arrimaha ay soo weriyeen guryaha ay ku jiraan mashiinnadan halkaasoo mashiinnada qaar ay awoodeen inay dhegeystaan ayna duubaan waxa aan sameyno uma maleynayo bulsho ahaan inaan diyaar u nahay la macaamilka arrintan weerarka ku ah waxyaabaha inoo qarsoon

Post a Comment

0 Comments