Maxay u sabab ah Xaalka magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya

Magaalada muqdisho

 Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya ayaa haatan faraha kasii baxaya waxaana sii kordhaya dilalka ay shacabka u geysanayaan ciidamada ammaanka ee dowlada kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dilal siyaabo kala duwan uga dhaceen caasimada gaar ahaan agagaarka zoobe iyo isgoyska siinaay ee magaalada muqdisho 

Guddoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka ee SONSA cismaan macalin muxuyadiin (shaatax) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay amniga caasimada waxaana uu cambaareeyay dhibaatada ay geysanayaan ciidamada dowladda ugu horreyn shaatax ayaa tacsi u diray ehellada dadkii kala duwan ee dhowaan lagu dilay magaalada muqdisho isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilalkan ay yiiin kuwa lasoo qorsheeyay isla-markaana ay ka dambeeyaan dad suurad xumeynayo amniga dalka runtii waxyaabaha dhacaayo ma’aha shilal iska dhacaayo ee waxay u muuqdaan kuwa qorsheysan oo laga dambeeyo gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ayaa laba arrimood uu sababeeyay dilalkaan wuxuna sheegay in uu jiro isla xisaabtan la’aan iyo aqoon darro heysato askarta

Post a Comment

0 Comments