Dowladda soomaaliya ayaa wada dadaalo loogu ciribtiraayo kooxaha khawaarijta oo shacabka masaakiinta ah dhiigooda baneysteen

kooxaha khawaarijta


 Guddoomiyaha maamulka gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho yuusuf xuseen jimcaale madaale oo ka hadlaayay kulan ka dhacay xarunta degmada cabdicasiis oo looga hadlaayay dardargalinta barnaamijka garanwaa oo uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday shacabka reer muqdisho iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah alshabaab maan dooriyaha iyo ciyaal weerada

Guddoomiye Madaale ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali karin in gudaha magaalada muqdisho lagu dhex arko al-shabaab kuwa iibiyo maandooriyaha iyo ciyaal weerada oo uu tilmaamay iney dhibaato ay ku yihiin amaanka guud ee magaalada muqdisho duqa magaalada muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ololaha ay kula dagalaamayaan al-shabaab waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weerada uu sii socan doono

Islamarkaana qof walba oo muqdisho ku nool looga baahan yahay inuu ka qeyb qaato xasilinta magaalada caasimadda ah ee muqdisho kuwa daroogada kariya kuwa keena iyo kuwa iibiya iyagaas ayay lamid yihiin maxaa yeelay umadeena waxaa baabi’iyay oo maalin weliba xabada ku ridaaya waa daroogiiste aan ogaal lahayn inuu dad dilaayo iyo inuu dagaal galaayo aanan kala ogeyn

Ma aqbali karno inaan mar iska ilaalino cadaw Khawaariij ah oo qaraxyadiisa iyo xabadiisa wata marna iska ilaalino mid naloogu talagalay inuu na ilaaliyo waxa taasi uga hortagi karnaa waa in aan daroogada la dagaalano oo aan uga tagno albaab weliba oo lagu iibinayo ayuu yiri gudoomiyaha gobolka banaadir yuusuf xuseen jimcaale

Sidoo kale ururka haweenka somaliyeed oo ay hoggaaminayso khadiija maxamed diiriye ayaa axadii soo qaban-qaabisay olole wacyi-gelin ah oo lagu horumarinayo barnaamijka la-dagaalanka kooxaha argagixisada ee hurdada u diiday shacabka masaakiinta ah ee degan magaalada muqdisho waxayna sheegtay warsaxaafadeedka in haweenka soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay ka saaraan kooxaha argagaxisada ah ee ku dhuumaaleysanaya xaafadaha la deggan yahay ayna doonayaan inay daadiyaan dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan

Iyadoo ku nuux-nuuxsatay in haweenka ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga khadiija ayaa ku ammaantay taageerada haweenka soomaaliyeed ay ku garab istaageen ciidamada amaanka si meesha looga saaro argagixisada sidoo kale madaxweynaha xasan sheekh ayaa mar sii horreysay ugu baaqay shacabka ku nool gobolka banaadir inay la dagaallamaan kooxaha argagixisada ee doonaya inay qal-qal-geliyaan amniga dalka gaar ahaan magaalada muqdisho

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmahii lasoo dhaafay amaan daro xoogan laga dareemayay gudaha magaalada muqdisho oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo iska hor imaadyo ciidan oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah duqa muqdisho ayaa wafdiga ka socda QM uga warbixiyay qorshayaasha horumarineed ee caasimada muqdisho kuwaas oo ay ka mid yihiin adeegyada bulshada, maareynta qashinka, shaqo abuurka iyo tababarrada dhalinyarada, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta shuruucda iyo hannaanka shaqo

Post a Comment

0 Comments