Dowladda federalka oo shaacisay magacyada saraakiisha Al-Shabaab laga dilay iyo kuwa isa soo dhiibay

Kooxda alshabaab


 Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda federaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay ayada oo lagu soo hadal qaaday howlgallada ka socda gobollada dalka wasaarada warfaafinta ayaa shaacisay magacyada saraakiisha kooxda alshabaab looga dilay howlgalladii ugu dambeeyay iyo kuwa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka 

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in howlgalladii todobaadkan dhacay xubno badan looga dilay Al-Shabaab kuwaas oo uu jiro sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray aruuriyow maxamed cumar kaas oo ka tirsanaa horjoogayaasha howlgallo ka dhan ah khawaarijta ayaa todobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah

Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal sida aruriyow mohamed cumar iyo kuwo kale ayuu yiri bayaanka sidoo kale dowladda soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan shabaab uu ka mid yahay xasan warsame cabdiraxmaan (Jabal)

Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay xasan warsame cabdiraxmaan (jabal) ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka howlgallada ayaa sii socon doono ayada oo ujeedka uu yahay in al-shabaab laga xoreeyo deegaanada ay maamulkaan sida ay shaacisay dowladda federaalka soomaaliya

Dhinaca kale wasaaradda warfaafinta qoraalkeeda marnaba kuma xusin weerarkii ay shalay al-shabaab ku galeen xerada janaay cabdalle kaas oo ku billowday is-miidaamin isla-markaana uu khasaare xoogleh kasoo gaaray ciidamada danab iyo kuwa jubbaland

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana qayb ka ah dadka deegaanka, kaas oo jab iyo khasaaraba lagu gaarsiiyay al-shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday

Post a Comment

0 Comments