Dowladda federalka somalia ayaa shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar deg deg ah

Shirkadaha isgaarsiinta dalka


 Hay’adda isgaarsiinta qaranka ayaa fartay shirkadaha isgaarsiinta dalka in si deg deg ah u fuliyaan go’aanaddii guddiga qaran ee ka hortagga lacag-dhaqida iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada (NAMLC) hay’adda oo shirkadaha isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aanadaasi oo guddiga kasoo baxay 14-kii bishii hore 

Waxayna ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda lacagaha mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan bangiga dhexe ee jumhuriyada federalka somaliya hay’addu waxay shirkada isgaarsiinta ku wargelinaysaa in ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa mvno-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaq-dhaqaaqa bangiga dhexe iyo go’aannada guddiga Sare ee NAMLC

Sidoo kale waxay hay’addu fartay shirkadahaan inay diiwaan-geliyaan lafaha (SIMCards-ka) macamiisha iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha waxay sheegtay in kuwii horay u qaatayna sim-kaararka dib loogu diiwaan-galiyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood 

Si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga lacag-dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada iyo qoddobka 66-aad ee sharciga isgaarsiinta qaranka hay’addu waxay intaasi ku dartay in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay u hogaansamaan dhamaan go’aannada guddiga qaran ee ka hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda

Guddiga qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maal-gelinta argagixisada ayaa 14-kii bishii hore soo saaray go’aano culus, oo uga digayaan muwaadiniinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta al-shabaab gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada

Waxa uu guddiga xilligaasi faray shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska iyo sariflayaasha lacagaha qalaad inay isku soo diiwaan-geliyaan muddo 30 maalmood gudahood ah iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaan-gashaneyn

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa hore u shaacisay in hadda kadib si buuxda ula wareegi doonta hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada islamarkaana xayiraad safar ay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqista ama maal-gelinta khawaarijta

Post a Comment

0 Comments