Dowladda federalka somaliya oo digniin cusub kasoo saartay dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo shaqsiyaadka la macaamila kooxdan

Kooxda alshabaab


 Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda soomaaliya cabdiraxmaan yuusuf (Al-Cadaala) ayaa digniin cusub kasoo saaray dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda alshabaab al-cadaala ayaa waxa uu bulshada soomaaliyeed uga digay in kooxda ay la sameeyaan nooc kasta oo la-macaamiil ah

Islamarkaana ay feejignaan dheeraad ah ka muujiyaan weeraradooda wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo inay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab ama garab u noqota

Dawladda waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo khawaarij iyo khawaarij kalkaal ah sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah alle ayaa mahadsan ayuu yiri wasiir al-cadaala 

Hadalka wasiir ku-xigeenka warfaafinta soomaaliya ayaa imanaya ka dib markii shalay xukun dil toogasho ah ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku fulisay saddex nin oo laba kamid ah lagu helay la shaqeynta al-shabaab iyo dhakhtarkii dilaaga ahaa maxamed cabdi nuur jiirow (Dhakhtar Fanax)

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa hore uga digtay muwaadiniinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta alshabaab gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada dagaalka alshabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga guulo wax ku ool ah ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda

Post a Comment

0 Comments