Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya

kooxda alshabaab


 Golaha aqalka sare ayaa shalay ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaallanka Argagixsada kadib dood dheer oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka yeeshay golaha hindise-sharciyaadka la-dagaallanka argagixisada ayaa waxaa kulankii shalay ee golaha aqalka sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay 29 senator oo soo xaadiray kulanka

Xildhibaanada golaha shcabka ayaa 8-dii bishan ansixiyay sharcigan wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh sharcigan ayaa waxa uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda al-shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka 

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka dalka ansixinta guddigaan ayaa waxaa ogolaatay 30 senator majirin senator diiday

Sidoo kale wax ka aamusayna majirin sida uu shaaciyay guddoonka golaha aqalka sare guddigan ayaa waxaa golaha aqalka sare horgeeyay wasaaradda caddaalada iyo arrimaha dastuurka xfs waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan xildhibaanada golaha shacabka

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay

Post a Comment

0 Comments