Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saakay alshabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada baardheere oo ka tirsan gobolka gedo ee koonfurta soomaaliya weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka alshabaab

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha alshabaab ee weerarka qaaday sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 5 qof oo isugu jiro askar iyo tababarayaal lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka gedo dhanka kale alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay la wareegtay xerada kadibna ay dishay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya gudaha degmadaas iyo hareeraheeda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi ee ay al-shabaab ku qaadeen xerada baardheere

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa ay al-shabaab ku qaaday guriga martida ee degmadaas kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac waxaana dadka waxyeelada kasoo gaartay kamid ah guddoomiyaha gedo axmed buulle gareed

Post a Comment

0 Comments