Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka ruun-nirgood ee gobolka shabeelaha dhexe

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka alshabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka daaru-nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka shabeelaha dhexe weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday deegaanka la weeraray ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa qaar kamid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka eritrea

Kuwaas oo maalin kahor gadood uga soo baxay Daaru-nimca inkastoo mar dambe ciidamadaas oo ka cabanayey daryeel la’aan lagu qanciyay inay dib ugu laabtaan saldhiggooda kadib wadahadal ay la yeesheen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed kula yeesheen magaallo xeebeedka cadale

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay 20 askari isla-markaana ay ku dhaawacday 10 kale sidoo kale alshabaab ayaa intaasi ku dartay inay gudaha u gashay xerada isla-markaana ay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda

Post a Comment

0 Comments