Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in wejigii kowaad ee dagaalka ayshabaab ay ku dishay 3,000 oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab

Kooxda alshabaab


 Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya cabduqaadir maxamed nuur (jaamac) oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay tiyaatarka qaranka ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda alshabaab ee haatan ka socda gobollada dalka

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wejigii koowaad ee howlagallada ka dhanka ah kooxda alshabaab lagu guuleystay in lagu xoreeyo dhul balaaran oo muhiim ah sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgaladaas oo uu ku sheegay inay guuleysteen lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa alshabaab lagu dhaawacay 3,700 oo kale

Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya dhanka kale waxa uu tilmaamay in guul weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda AlShabaab isla-markaana la xiray in ka badan 250 akoon oo ay laheyd kooxda

Dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha dowladda federaalka waxaa dadaal-gelisay sidii loo cuuryaamin lahaa garabka dhaqaalaha ee kooxda khawaarijta ah dowladda federalka soomaaliya ayaa kuu guuleysatay inay xirto wax ka badan 250 xisaabaad oo ka furnaa ilaa 4 banki ayuu sii raaciyay

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka soomaaliya ay haatan ku howlan tahay sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa ciidamo boolis ah si halkaas loo gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kuwa aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka booliska soomaaliyeed ayaa ku howlan gaarsiinta adeegga booliska 

Bulshada ku dhaqan deegaanada laga xoreeyay cadowga khawaarijta ah soomaaliya waxaa haatan ku jira marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda al-shabaab kaas oo intiisa badan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya

Post a Comment

0 Comments