Tartanka Fool-Xumadda Aduunka Oo Lagu kala Guulaystay Iyo Ninka Doorkan Loo Caleemo Saaray Fool Xumada Dadka

Dhacdooyinka caalamka



 Layaabka Aduunka tartanka boqorka fool xumada inta badan waxa aynu maqalaa tartan kala duwan oo dunida iyo dalkeena intaba ka dhaca, kuwaas oo loogu tartamo quruxda, hibada, suugaanta iyo waxyaabo kale oo tiro badan laakiin aad ayay u yar tahay in aad maqasho tartanka qofka ugu foosha xun ka ugu doqonsan iyo qofka ugu aqoonta yar waxaana inta badan u sabab ah in aanay aadamigu jeclayn 

Tilmaamaha xun xun ama liita ee hoos u dhigaya shakhsiyadooda ama in uu caan ku noqdaa dhibaato ku noqon karto haddaba haddii aynu u soo noqono, qormadeenan waxa dalka Zimbabwe ee koonfurta qaarada afrika ku yaala sanad kasta laga qabtaa tartanka ninka ugu foosha xun dalka kaas oo lagu soo xulo qof laga dhex doorto tartamayaal aad u badan oo ku loolama

Tartankan oo dalkaas laga bilaabay sanadkii, 2010-kii waxa markii ugu horaysay ka soo qayb galay labo nin oo kaliya, si degdeg ahna wuu ku dhamaaday oo mid ka mid ah ayaa loo aqoonsaday boqorka foolxumada dalka zimbabwe waxaana sidaa loogu geliyay taajkii tartanka ee uu ku guulaystay wasaarada dhaqanka ee dalka zimbabwe ayaa si uu tartankani u noqdo

Mid dad badani daneeyaan, waxa ay lacag xadigeedu badan yahay marka dalkaas loo eego oo abaal marin ah, siisay ninkii ku guulaystay tartankii koowaad ee ugu horeeyay dalkaas wixii ka danbeeyayna waxa bilaabmay in dad badan oo fool xumo isku tuhmayaa ay ka soo qayb galaan, laakiin afartii tartan ee hore ayuu si dhib yar dhamaantood ugu wada guulaystay nin lagu magacaabo william masvinu

Laakiin sanadkan ayaa lagu soo kadiyay oo waxa ku qabsaday nin kale oo lagu magacaabo nison sere kaas oo wareeg dheer ka dib loo aqoonsaday inuu yahay boqorka foolxumada dalka zimbabwe ee sanadkan guddida garsoorayaasha tartanka ninka ugu foosha xun zimbabwe (zimbabwe’s ugliest man) ayaa shaaciyay in mison sere oo 42-jir ahi uu ku guulaystay tartankaas oo muddo sadex cisho ah lagu kala xulay

Dadkii ku loolamayay waxaana guusha ninkan noqday qofka ugu foosha xun zimbabwe ka cadhooday ninkii rikoodhkaa hore u haystay iyo taageerayaashiisa sida warbaahintu sheegtay ninkii sanadihii ugu danbeeyay rikoodhka fool xumada haystay oo lagu magacaabo william masvinu ayaa diiday natiijada, waxaanu garsoorka ku eedeeyay inay khiyaamo sameeyeen tartanka ninka ugu foosha xun zimbabwe ayaa qofkii ku guulaysta uu helaa abaal marin lacageed oo dhan shan boqol oo dollar

Xaalada ayaa meel daran gaadhay waxaana bilaabmay in taageerayaasha labadan nin ee foolxumada u tartamayay ay gacanta iskula tagaan, oo ay isku hor dilaan xarunta wasaarada dhaqanka iyo madashii tartanku ka dhacayay halkaas oo markii ay dagaal safayn ah galeen ee ay feedhka iyo budhka iskala daaleen ay soo kala dhex galeen ciidamada ammaanku

Post a Comment

0 Comments