Al-shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Ruun-Nirgood ee gobolka shabeelaha dhexe

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka alshabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Ruun-nirgood ee gobolka shabeelaha dhexe weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday xerada la weeraray ayaa waxaa maalin kahor tegay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhanka degmada ceeldheer

Si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada ruun-nirgood khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray ciidamada ku sugnaa saldhigga, walow aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u gashay xerarada

Islamarkaana ay dishay askar badan kuwa kalena ay dhaawacday sidoo kale alshabaab ayaa intaasi kusii dartay in ay gubtay gawaari ay lahaayeen ciidamada dowladda oo yiilay gudaha xerada dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada ruun-nirgood ee gobolka shabeelaha dhexe muddooyinkii u dambeeyay kooxda alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay al-shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka baardheere kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac

Post a Comment

0 Comments