Dowladda Federalka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay wejiga labaad ee dagaalka

Kooxda alshabaab


 Wasiirka gaashaandhigga ee dowladda federaalka soomaaliya cabdulqaadir maxamed nuur ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab isaga oo faah-faahin ka bixiyay wejiga labaad ee dagaalka ee dhawaan bilaaban doona shaqadii soo bilaabatay billo ka hor ayaa weli socota meel gaar ah oo meel hebel ayaa dagaal ka qaadeyna aan ku leeyahay majirto laakiin dib u xoreynta khawaarijta si fiican ayay u socotaa

Wasiir Cabdulqaadir ayaa waxa uu sheegay in diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socda, islamarkaana ay dhawaan shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan war farxad-geliya waxaa rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga bushaareynayo in taako kamid khawaarij joogto xabadda kama joogsan doonto

Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dagaalka iyo diyaar garowga wejiga labaad ay ka wada socdaan dagaalka meelo badan oo dalka ayna ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda al-shabaab iyada oo loo kaashanayo cid walba oo dowladda ka garab siin karta arrintaas qorshaha dalka guud ahaan waa in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, dib u xoreyntaasi weli waa socota illaa ay ka dhamaato lama joojinayo

Diyaar-garowga iyo dagaalkaba waa socda ayuu yiri waxa uu sii raaciyay hadalkiisa dowladda soomaaliyeed qof alaala iyo ciddii nagu kaalmeysa in khawaarij dalka laga saaro waa kaashaneysa, cid walba way nagala qeyb-galeysa oo aan u aragno in khawaarijta dalka nagala saarayso garabna siineysa shacabka soomaaliyeed

Post a Comment

0 Comments