Weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah oo xigay dagaal toos ah ayaa saakay lagu qaaday deegaanka baarsanguuni

Kooxda alshabaab


 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka alshabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ku qaaday deegaanka baarsanguuni oo hoostaga magaallo xeebeedka kismaayo ee gobolkaasi weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada jubbaland oo garab ka helaya kuwa dowladda iyo raggii weerarka ku qaaday baarsanguuni

Xoogaga weerarka qaaday ayaa si toos u beegsatay saldhig ay ciidamada huwanta ku leeyihiin deegaankaais, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta marisay xeradaasi, isla-markaana ay gubtay gaadiid dagaal oo yiilay saldhiggaas

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee jubbaland

Dhowaan ayey ahayd markii weerar toos ah ay al-shabaab ay ku galeen saldhigga Janaay Cabdall oo u dhow kismaayo kaas oo ay ku dileen askar kuna furteen hub iyo gaadiid muddooyinkii u dambeeyay kooxda al-shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax todobaadkan ayey aheyd markii weerar kan lamid ahaa ay al-shabaab ku qaaday xero ku taalla degmada ruun-nirgood kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba

Post a Comment

0 Comments