Dowladda Mareykanka oo boggaadisay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayada oo shaacisay baaxadda dhulka kooxda looga qabsaday

Kooxda Alshabaab


 Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay guulaha laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda alshabaab ayada oo shaacisay baaxadda dhulka kooxda looga qabsaday dagaalka socda safiirka mareykanka ee soomaaliya larry andre ayaa sheegay in saddex meelood meel dhulkii ay gacanta ku haysa Shabaab laga fara-maroojiyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka oo intiisa badan ka dhacay gobollada hiiraan, shabeellaha dhexe, galgaduud iyo mudug

Hawl-gallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen alshabaab sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri safiirka soo af-jaridda caburiska al-shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee soomaaliya

Safiirka mareykanka ee soomaaliya Larry Andre ayaa waxa uu natiijada ka dhalatay dagaalka ka dhanka ah alshabaab ku aamanay ciidamada huwanta ah oo iyagu wada dadaalada dalka looga xoreynayo kooxda alshabaab oo sanado badan ka talinaysay qeybo kamid ah dalka mareykanka ayaa dagaalka socda uga qeyb qaatay duqeynta diyaaradaha drone-ka kuwaasi oo bartilmaameedsaday xubnaha kooxda hub iyo saanad ciidan oo uu siiyay soomaaliya iyo la-howl-galka ciidamada danab ee uu tababaray

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa hore u shaacisay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa alshabaab lagu dilay in ka badan 3-kun oo ah maleeshiyaadka ururkaas, laguna dhaawacay 3,700 oo kale khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyay in kabadan 70-gobood kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobolada hiiraan, shabeellaha dhexe, Sh/hoose, galgaduud, mudug iyo jubbad hoose, sida deegaanada adan yabaal, xarardheere, ceeldheer, ruun-nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah dagaalka alshabaab ka dhanka ah ayaa kusii siqaya wejigii labaad kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS sida ay sheegtay dowladda federaalka soomaaliya

Post a Comment

0 Comments