Ciidamada dowladda federalka oo toogasho ku dilay oo 14 ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay

Kooxda alshabaab

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay duleedka magaalada baydhaba ee xarunta kmg ah ee Koonfur Galbeed weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo makuude oo qiyaastii todobo km dhanka koonfurta ka xiga magaalada baydhaba ee xarunta gobolka baay

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen illaa 14 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada ee deegaanka makuude isla-markaana ay ka hortageen qorshaha weerarkaas sidoo kale ciidamada dowlada ayaa soo bandhigay maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay halkaasi halka dhaawacyo kale ay la careen ragga weerarka soo qaaday

Dhanka kale alshabaab ayaa iyadana guul ka sheegatay weerarka waxayna shaacisay inay ku beegsatay xarumo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada baydhaba alshabaab ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in khasaare lixaadleh ay gaarsiisay ciidamaduu ku sugnaa goobaha la weeraray sida ay hadalka u dhigtay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka deegaanka Makuude ee gobolka baay muddooyinkii u dambeeyay kooxda alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha soomaaliya kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay alshabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka baardheere kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dowladda soomaaliya ay shaaca ka qaaday xog sirdoon oo sheegaysa in alshabaab ay dib isku soo abaabulayaan lagana yaabo inay weeraro ka geystaan ​​goobihii dhawaan laga saaray

Post a Comment

0 Comments