Kooxda alshabaab ayaa laba dhinac u kala jabtay iyadoo la soo warinaayo inuu khilaaf xoogan soo dhex galay hogaanka sare ee kooxda

Kooxda alshabaab


  Waxaa haatan cirka isku sii shareeraya khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda gaar ahaan gobollada jubbooyinka warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa si faah-faahsan looga hadlay khilaafka u dhexeeyay hoggaamiyeyaasha kooxdan oo laba garab kala noqday

Khilaafka ayaa sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan kenyaan kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda alshabaab kuna sugnaa deegaanada jubbaland warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka kabsuuma 

Koox ka tirsan alshabaab ayaa habeenimadii khamiista gaari kala tageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo u dhow mahad karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda maxamed amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada guriceel 

Sida warbixinta lagu sheegay ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada jilib ee gobolka jubbada hoose waxayna tani sii hurineysaa khilaafka ka dhex jira al-shabaab khilaafkan ayaa daba socda xilka qaadistii lagu sameeyay salmaan muhaajir oo mar dambe xabsiga la dhigay kadibna lagu beddalay nin kale oo lagu macaabo Jacfar Suudaani 

Si kastaba ha ahaatee mahad karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan ninkan kasoo jeeda suudaan si ay uga taqalusaan garabkii salmaan muhaajir si kastaba khilaafka dhanka maamulka ee ka dhex jira al-shabaab ayaa marar badan soo noq noqday wuxuuna sababay in dhowr jeer ay dhexdooda wada dagaalamaan

Post a Comment

0 Comments