Taleefoonkii gacanta ee ugu horeeyay waxa la soo saaray 50 sano ka hor, wixii markaas ka dambeeyay aaladahani waxa ay noqdeen aalado muhiim ah oo ujeedooyiin badan loo adeegsado nagana caawiyay howl maalmeedkeena sida inteena badan, waqti badan ayaan ku qaadanaa taleefankeen islamarkana waxaan dareenaa in aan nafteena dambi galnay maadaama aan waqti badan ku bixino mararka qaarkood waxaan uga tagayaa meesha ugu fog ee qolka, ama waan dami doonaa, si aan waqti yar ugu qaato daawashada.
Dadka qaar ayaa si ay uga hortagaan waqtiga badan ee ay teleefoonada ku bixiyaan way iska fogeeyaan amaba waa ay damiyaan dhanka kale taleefoonada gacanta ayaa waxaa ay leeyihin faai'dooyiin badan oo ay ka mid tahay in aad ku bixin karto qarashaadka sida korantada iyo in lacagaha kuugu jira aad adiga oo gurigaaga jooga aad wax ku iibsan karto waxaa ka mid ah faa'idooyiinka kale oo ay ka mid tahay in eheladaada aad kula xiriirto in aad ku qaado sawiro iyo muuqaalo, inaad idaacadaha iyo wararka akla socoto iyo waliba in mararka qaar aad tiooshka isticmaasho
Mid ka mid ah warbixinadii ugu dambeyay ayaa lagu ogaaday in dadka waaweyn ee Mareykanka ay eegaan taleefanadooda, celcelis ahaan, 344 jeer maalintii - hal mar afartii daqiiqoba - oo ay ku qaataan ku dhawaad saddex saacadood maalintii guud ahaan dhibaatada inteena badan na haysata ayaa ah in hal hawl oo degdeg ah oo taleefoonka la xidhiidha markaad u baahato aan ka dib sii galno meelo kale sida emailo ama baraha bulshada marakasi oo aan waqti dheer ku qaadano.
Markasta oo ay talefoonada noqdaan kuwo aad muhiim u ah, waxaa qasab ah in aad waqti dheer isticmaasho waqtiga dheer ee aan isticmaalno taleefoonada, ayaa waxaa ak dhasha in aan furno waddooyinka neerfaha ee maskaxdeena kuwaas oo noo horseedaya in ay nagu qalqaaliyaan in aan isticmaalno xitaa marka aynaan u baahnayn welwelka ku saabsan dhinacyo gaar ah oo ku saabsan adduunkeena isku xiran - sida baraha bulshada ayaa waxaa ka dhashay ku tiirsanaanta qalabkani
Sida aad filan karto, iyada oo ku tiirsanaanta bulshadeena ee taleefoonada ay si aad ah u kordheyso sannad kasta, cilmi-baarayaasha waxay la daalaa dhacayaan sidii ay u sii wadi lahaayeen baaritaanadooda waxa aan ognahay ayaa ah in mashquulinta fudud ee hubinta taleefanka ama in aad muddo dheer isticmaasho ay yeelan karto cawaaqib xun tani maaha wax aad loola yaabo; Waxaan ognahay in, guud ahaan hawlo kala duwan oo aad hal mar wada qabato ay wiiqaan xusuusta iyo waxqabadka
Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu khatarta badan waa isticmaalka taleefoonka markaad baabuur wadid. Mid ka mid ah daraasadda ayaa lagu ogaaday in ku hadalka taleefanka oo keliya, oo aan qoraalka ahayn, ay ku filan tahay in darawaliintu ay hakiyaan amaba ay gaabiyaan wadidda gaaariga kaliya maqalka fariimaha kuu soo dhacaya "ding" waxay ka dhigtay ka qaybgalayaasha daraasad la sameeyo inay si xun u sameeyaan hawlihii ay wadeen, iyada oo uu qofka ka fikiro fariinta u so dhacday ma aha isticmaalka taleefanka oo keliya kan cawaaqibka noocaas ah yeelan kara - balse in taleefoonka uu ku ag-yaalo ayaa saameyn ku yeelan kara hab fikirkeena.
Mid ka mid ah daraasad dhowaan la sameeyay, tusaale ahaan, cilmi-baarayaashu waxay ka codsadeen ka qaybgalayaasha inay telefoonadooda ku hayaan meel u dhow oo laga arki karo (sida miiska) ama meel u dhow aan la arki karin (sida boorso ama jeebka), ama qol kale Ka-qaybgalayaashu waxay markaa dhammaystireen hawlo taxane ah si ay u cabbiraan awoodda ay u leeyihiin inay dib u xusuustaan macluumaadka ay xaliyaan waxyaabaha adag iyo feejignaantooda oo sareysay
Waxyaabaha daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah in dadka ay ka howl karsan yihiin marka ay taleefoonadooda yaallaan meel kale sida qol kale oo marka ay dhigaan meel u dhaw ay ku mashquulaan waa sax arrintan inkasta oo qaar badan oo ka mid ah ka qaybgalayaashu daraasadan ay sheegeen in aanay si wayn uga fikirin taleefoonadooda in taleefoonka uu yaallo meel kuu dhaw, waxay u muuqataa, inay saameyn ku yeelato "dareeraha maskaxda ". waxaa laga yaabaa in maskaxdeenu si miyir la'aan ah ugu mashquulsan tahay taleefoonka.
Si arrintan loo "saxo", cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen, in sida kali ah ee looga hortagi karo mashquul taleefoonka ay tahay in la dhigo qol kale oo aan ahayn meesha uu qofka ku shaqeynayo taasi waa war xun. Laakiin - sida cilmi-baarayaashu dhawaan heleen - waxaa laga yaabaa inay jiraan isbeddelo ku saabsan ku tiirsanaanta taleefoonada tusaale ahaan, waa wax la wada aaminsan yahay in ku tiirsanaanta talefankeena ay wax u dhimayso awooddayada wax lagu xasuusto. Laakiin waxaa laga yaabaa inaysan sidaa u fududayn.
Waxay qaadan doontaa sannado badan oo cilmi-baaris ah ka hor inta aynaan ogaanin sida saxda ah ee ku-tiirsanaanta taleefoonada ay ku yeelanayaan maskaxdeen mustaqbalka fog balse, waxaa jira siyaabo kale oo aan isku dayi karno si aan u dhinno isticmaalka badan ee taleefoonada gacanta maxay tahay saameynta ay maskaxdeena ku yeeshaan isticmaalka badan ee taleefoonada?
0 Comments