Puntland oo baaritaan ku bilowday saraakiil ciidan oo lagu tuhmayo inay ciidamo u qoreen Dowladda Federaalka

Puntland

Puntland ayaa baaritaan si hoose ah ku bilowday

 Puntland ayaa baaritaan si hoose ah ku bilowday saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaheeda amniga, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya saraakiil amni oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa HOL u sheegay in madaxweyne Deni uu hadda ku howlan yahay inuu joojiyo mushaarka iyo adeegyada saraakiisha iyo ciidamad loo haysto inay ku xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen in ciidamo Booliis ah uu taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi  ka qorto qaar kamid ah magaalooyinka Puntland warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu toddobaadkan ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland inay joojiso lacag adeeg ah oo la siin jiray mid ka mid ah saraakiisha lagu eedeeyay inuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo uga qoray magaalada Garowe

Maalmo ka hor, madaxweyne Deni ayaa goob fagaare ah 

Maalmo ka hor, madaxweyne Deni ayaa goob fagaare ah ka sheegay in Puntland u baahan tahay ciidamo daacad u ah, xilli uu la hadlayay boqolaal dhalinyaro ah oo loo qaatay inay ku biiraan ciidamada Booliiska Puntland, kuwaas oo loo diyaariyay in lagu wareejiyay amniga magaalooyinka

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii dhawaan madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud uu sheegay inay Puntland joogaan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments