Ciidamada dowladda somaliya oo galay hawd ay Shabaab ku dhuumanayeen kadib duqeymihii lala beegsaday

Kooxda alshabaab


  Kooxd alshabaab ayaa laga xoreeyay goobo dhowr ah oo ay uga dhuumaaleysanayeen dhulka howdka sida ay goordhoweyd shaacisay dowladda federaalka soomaaliya ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ayaa saacadihii lasoo dhaafay shabaab ka xoreeyey goobahaasi ay uga dhuumaaleysanayeen ee dhulka howdka ah oo dhaca bariga gobolka galgaduud

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirada goobaha la sheegay in laga xoreeyay Al-Shabaab waana kuwa laga qotay hawdka jiqda ah halka qaarkood dush sare lagaga daday jiingado maleeshiyaadkii shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta iskaga cararay sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howl-galkaas fuliyay ee dnab iyo gorgor

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegeen inay sii baacsanayaan firxadka kooxda al-shabaab ee isaga carartay goobahaan ay godadka ka qoteen howl-galkan ayaa imanaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore guulo waaweyn uga sheegatay wejiga koowaad ee dagaalka, iyada oo sheegtay in lagu xoreeyay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobollada hiiraan, sh/dhexe, sh/hoose, galgaduud, mudug iyo jubbad hoose

Post a Comment

0 Comments