Golaha wasiiradda oo xalay meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada

Golaha wasiiradda


 Golaha wasiiradda ee Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan aan caadi ahayn raysal wasaaruhuna uu shir guddoominayay ayaa meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada xeerka la dagaalanka ayay xukuumadu sheegtay inuu door weyn ka cayaarayo dagaalka lagula jiro kooxda alshabaab iyo caribtirkooda

Afhayeenka xukuumadda somaliya farxaan maxamed jimcaale ayaa sheegay in xeerkaan uu ahmiyad gooniya u leeyahay waqti xaadirkaan oo ay dowladdu ku jirto dagaalka AlShabaab xukuumadii raysal wasaare xasan cali kheyre ayaa sannadkii 2017 horgeysay barlamaanka soomaaliya wuxuuna qeyb ka ahaa 17 hindise sharciyeed oo barlamaanka la horgeeyay laakiin barlamaanku ma meel marin xilligaas

Dowladda ayaa sheegtay in sharcigan uu qeyb weyn ka qaadan doono la dagaalanka iyo caburinta alshabaab dhinaca kale golaha wasiiradda ayaa isla xalay meel mariyay heshiis dhinaca socdaalka ah oo ay wasaaradda amnigu soo diyaarisay iyo heshiis kale oo ay soomaaliya la saxiixatay uganda 

Waxaana golaha horgeysay wasaaradda ganacsiga soomaaliya waxana wasiirka ganacsiga uu golaha ka hor sheegay in heshiiskan uu wax badan kusoo kordhin doono dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee somalida ku nool uganda sidoo kalena uu muhiim u yahay iskaashiga dhaqaale ee soomaaliya iyo uganda 

Post a Comment

0 Comments