AlShabaab oo soo wajahday dhaqaalo xumadii ugu darneyd abid

Alshabab


 Kooxda Al-Shabaab oo haatan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka kala kulmeysa culeyskii ugu xooganaa ayaa hadane soo wajahday xaalad kale oo dhaqaale oo aad u baahsan waxana meeshii u hooseysay gaaray mushaaraadka xoogaga u dagaalama kooxda kadib markii laga xiray akoono ay lacago badan ugu jireen dagaalka ay qaaday dowladda ayaa ka kooban saddex jiho oo kala ah milatariga fikirka iyo sidoo kale dhaqaalaha taas oo ujeedkooda uu yahay in lagu cuuryaamiyo alshabaab

Khubaro dhanka sirdoonka ah ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay mushaarka ay kooxda bixiso isla-markaana uu gaaray meeshii ugu hooseysay ayadoo dagaalyahankiiba uu haatan mushaar u qaadanayo lacag dhan 10 dollar maadaama dhaqaale xumo ay soo wajahday kooxda sidoo kalena laga qabsaday meelihii ay lacagaha badan ka heli jireen mushaarka ay markii hore bixin jirtay kooxda ayaa u dhexeeyey $50 ilaa $100 oo la siinayo qofkiiba 

Balse ay hada u dhowdahay in la waayo wax la siiyo sida ay sheegayaan khuburadu sidoo kale waxa ay ilo wareedyadu intaasi ku dareen in arrintaan ay dhacday afartii bilood ee u dambeysay markaas oo ah xiliga ay dowladu bilowday dagaalka dhaqaale ee Shabaab ilaha dhanka sirdoonka ee baahiyay xogtan ayaa sidoo kale sheegay in haddii sidan lagu sii hayo kooxda ay sababi karto in laga adkaado isla-markaana laga tirtiro dalka oo dhan

Madaxda sare ee dowladda ayaa horay guullo uga sheegtay dagaalka dhanka dhaqaalaha ee alshabaab wuxuuna ra’iisul wasaaruhu sheegay in la xiray ugu yaraan ilaa 250 akoon oo ay kooxdo ku laheyd bangiyada iyo sidoo kale lambaro gaar ah oo ay lacago ugu jireen lacagaha la xiray waa la baarayaa taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed markey shabaab soo wacaan waxey ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig

Dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineyn waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa sidaas ayaana  lagu xiraa akoonada khawaarijta dhankiisa madaxweyne xasan sheekh oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo alshabaab ugu xareysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay

Post a Comment

0 Comments