Al-Shabaab oo mar kale ka afduubatay magaalada beledeyne ee gobolka hiiraan dad shacab ah oo isku beel ah

AlShabaab


  Wararka aan ka heleyno gobolka hiiraan waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab afduubteen dad badan oo shacab ah kuwaas oo ka soo jeeda beesha xawaadle dadkaan ayaa maanta laga afduubtay deegaanada camaloow, helabacaad iyo sugoow oo hoos taga magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan gaar ahaan deegaanadaan waxay u dhowyihiin wabiga shabeelle

Kooxda afduubatay dadkaas waxaa la sheegay inay ka soo talaabeen wabiga Shabeelle waxaana dadkaan intooda badan laga watay guryahooda dadka la afduubtay oo ka soo jeeda beesha xawaadle ayaa la sheegay inay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeraley waxayna alshabaab la aadeen dhinaca galbeed ee gobolka hiiraan.

Kooxda alshabaab ayaa weli ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan maadaama uu gobolkaas kala baro wabiga shabeelle oo bari iyo galbeed u kala qeybiya alshabaab ayaa toos u ugaarsata dadka u dhashay beesha xawaadle oo dagaal adag la gashay kooxda waxayna isugu dartaa dil iyo afduub si beesha loogu cadaadiyo inay ka baxdo dagaalka inta badan dhulka ay gobolka hiiraan ka degto beesha xawaadle ayaa laga saaray alhabaab

Balse weli kooxdu waxay wadaa cadaadis ka dhan ah beesha si dagaalka kala dhexeeya ay xal ugu hesho tobanaan qof oo ka soo jeeda beesha xawaadle ayaa u afduuban alshabaab, dadkaas intooda badan waxaa la xaqiijiyey in lagu haayo deegaano dhaca galbeedka gobolka hiiraan halkaas oo alshabaab ay weli ku xooggan yihiin

Beesha xawaadle ayaa furo u noqotay gulufka dagaal ee dalka uga socda alshabaab kaas oo la saadaalinayo in sanado ama bilo kadib uu horseedi doono in saaxada laga tir-tiro kooxda alshabaab dowladda somaliya ayaa wado dadaalo loogu ciribtiraayo kooxda maadaama ay xasuuq ba'an ku heyso shacabka 

Post a Comment

0 Comments