Dowladda Somaliya oo shaacisay inay dishay in ka badan 300 oo Al-Shabaab ah

AlShabaab iyo ciidanka dowladda


  Wasiirka warfaafinta soomaaliya Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha isaga oo uu hareer taagan yahay ergeyga midowga afrika ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka daa’uud aweys ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay galmudug, hirshabelle, koonfur galbeed iyo jubbaland howlgalladan ayaa si gaar ah uga kala dhacay gobollada galgaduud, mudug, shabeelaha dhexe, shabeelaha hoose iyo baay, sida uu sheegay

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 300 oo xubnood oo ka tirsanaa kooxda alshabaab isla-markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgalladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabooyinkan ay muujinayaan in dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay guul weyn ka gaareen dagaalka alshabaab taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro khawaarijta ayuu markale raaciyay

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalladan ciidamada huwanta ay kooxda alshabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal dhanka dowladda waxa uu xaqiijiyey in ay 7 askari uga dhinteen weerarkii galcad kaas oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii ciidanka danab iyo 5 askari oo looga dilay weerar kale oo ka dhacay deegaanka xawaadley kaas oo isna ku jiro sarkaal sare oo la yiraahdo shataqey

Wasiir oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladu ay ka sii billowdeen koonfur galbeed iyo jubbaland ayada oo laga duulayo baaqii madaxweynaha illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayuu xaqiijiyay inay soo galeen gacanta dowladda waxaana ka mid ah deegaanadaas janaay cabdalle oo ka tirsan jubbada hoose

Post a Comment

0 Comments