Alshabaab oo weerar xoogan ku qaaday xarunta gobolka banaadir iyadoo aan ognahay in habeenkii ka horeeyey uu gubtay suuqa bakaaraha

Alshabaab


 Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa soo wajahay laba mowjadood oo waaweyn kuwaas oo saameyn badan ku yeeshay shacabka muqdisho iyo shaqo maalmeedkii xafiisyada maamulka iyadoo qaarna la dilay waa tan koowaade dab xoog leh ayaa qabsaday qeybo ka mid ah suuqa weyn ee bakaaraha in la demiyo dabkaas ayaa qaadatay saacado badan kaalinta ugu weyna waxaa qaatay maamulka gobolka banaadir

Shalay waaberigii hore ayaa lagu guuleystay in la demiyo dabkaas oo geystay khasaare hanti oo lixaad leh waxaana habeen hore suuqa tegay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka banaadir mashaqada labaad ayaa noqotay weerarkii shalay duhurkii ay AlShabaab ku qaadeen xarunta maamulka gobolka wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu xasaasisanaa oo muqdisho ay ka fulisay kooxdu ugu yaraan lix qof oo shaqaalaha maamulka gobolka banaadir u badan ayaa ku geeriyootay weerarkaas 

Dadka la dilay waxaa ku jiray agaasimihii dadka baahiyaha gaarka ah qaba halka tiro kale oo dad shacab ah ay ku jiraana lagu dhaawacay lix nin ayaa fulisay weerarkaas waxaana aad loo amaanay ciidamada amaanka oo ku guuleystay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta intooda badan ay ka soo badbaadiyaan xafiisyadii lagu weeraray markii laga war-helay in weerar ka socdo xarunta dowlada hoose ee xamar

Waxaa baraha bulshada is qabsatay su’aal ah “maxaa kulmiyey gubashada suuqa bakaaraha iyo weerarka xarunta maamulka gobolka banaadir? su’aashaan ayey dad badan ku macneynayeen in gubashada suuqa bakaaraha ay la xariirto amni darada iyo weerarrada ay masuulka ka yihiin alshabaab waxaana xusid mudan in kooxdu ay canshuur badan ka qaado ganacsatada wallow bilihii u dambeeyey ay cunaqabateyn adag kala kulantay dowladda

Maamulka gobolka banaadir gaar ahaan shaqaalaha dab-demiska gobolka ayaa habeen hore door weyn ku lahaa xakameynta dabkii ka kacay suuqa weyn ee bakaaraha gaar ahaan qeybaha dahabka iyo harqaamada sidoo kale masuuliyiinta qaar ayaa tagtay suuqa sida la aaminsan yahay alshabaab oo ka faa’iideysanaysa dhafarkii ay la kulmeen masuuliyiinta maamulka gobolka 

Maadaama lagu howlanaa xakameynta dabkii ka kacay suuqa ayaa fulisay weerarkaan oo ku bilowday qarax is-miidaamin ah afar saacadood oo gudaha xarunta ay ka dagaalameysay kooxdaas oo gaareysay shan nin 4:00 galabnimo ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro waxaana lasoo bandhigay oo warbaahinta la tusay meydadkooda

Post a Comment

0 Comments